Ana SayfaMealler › M.Abduh
MA

M.Abduh

M.Abduh
M.Abduh meali ile okumaya başla
Enfal 1 / 75
1
Waxay ku warsan Dadku (Xukunka) Qaniimada, waxaad dhahdaa Qanimada waxaa iska leh Eebe iyo Rasuulka ee ka Dhawrsada Eebe Wanaajiyana Xaalka Dhexdiinna ah Eebana Adeeca iyo Rasuulkiisa haddaad kuwo Rumeeyey tihiin.
M.Abduh 8:1
2
Mu'miniinta dhabta ah waa uun kuwa marka Eebe la Xuso ay Cabsato Quluubtoodu, marka lagu Akhriyo korkooda Aayaadka Eebana ay Iimaan u kordhiso, Eebahood uun tala saarta,
M.Abduh 8:2
3
Ee ah kuwa ooga Salaadda waxaannu ku Arzaaqnayna wax ka Bixiya.
M.Abduh 8:3
4
Kuwaasaana ah Mu'miniinta Xaqa ah, waxayna Mudan Jannooyin Eebahood agtiisa ah, iyo Dambi Dhaaf iyo Rizqi Sharaf leh.
M.Abduh 8:4
5
Siduu Kaaga Bixiyey Eebaha Gurigaaga si Xaq ah (Jahaad) Koox Mu'miniinta ka mida way Nacayeen.
M.Abduh 8:5
6
Waxayna kugula Murmi Xaqa intuu u Cadaaday sidii iyagoo loo wado Geeri iyagoo Eegi.
M.Abduh 8:6
7
Xusuuso markuu idiin Yaboohay Eebe Labadii Kooxood midkood (Colkii iyo Safarkii) idiin Subnaatay idinkoo Jeeel in Midda Tabarta Yar idiin ahaato, Eebana wuxuu dooni inuu Xaqa ky sugo Kalimadiisa, Gooyana Cidhibta Gaalada.
M.Abduh 8:7
8
Si uu Xaqa u sugo, una Buriyo Baadhilka (Xumaanta) haban Naceen Dambiilayaashuye.
M.Abduh 8:8
9
Xusuusta markaad ka Gargaar warsanayseen Eebe oo uu idinku Ajiibay waxaan idinku Xoojin Kun Malaa'igta ka mida oo Israacraacsan.
M.Abduh 8:9
10
Wuxuu Eebe u Yeelay Bishaaro iyo inuu Xasilo Qalbigiinnu, Gargaarra waxaan Eebe Agtiisa ahayn ma aha, Eebana waa Adkaade Fal San.
M.Abduh 8:10
11
Xusuustana markuu idinku Daboolay Hurdo aaminnimo Darteed idinkagana soo Dejiyey Samada Biyo inuu idinku Daahiriyo idinkagana Tegsiiyo Waswaaska Shaydaanka iyo innu ku Adkeeyo Quluubtiinna kuna Sugo Gommadihiinna.
M.Abduh 8:11
12
Markuu u waxyoon Eebahaa Malaa'igta anaa idinla jira ee suga kuwa Xaqa Rumeeyey (Xoojiya) waxaan ku Tuuri Quluubta kuwa Gaaloobay Argagax ee ka Garaaca Luqunta korkeeda kana Garaaca Xubnaha faraha.
M.Abduh 8:12
13
Maxaayeelay waxay Khilaafeen Eebe iyo Rasuulkiisa, Ciddii Khilaafta Eebe iyo Rasuulkiisana Eebe waa u Ciqaab daranyahay.
M.Abduh 8:13
14
ee Arrintaas Dhadhamiya, Gaalana waxaa u Sugnaaday Cadaabka Naarta.
M.Abduh 8:14
15
Kuwa Xaqa Rumeeyow hadaad la Kulantaan Kuwa Gaaloobay idinkoo isusoo Dhawaan ha u jeedinina dabada (ha cararina).
M.Abduh 8:15
16
Ruuxi u Jeediya Maalintaas Dabadiisa (Carara) isagoo u Xeelaysanayn Dagaal ama u Dumayn Koox wuxuu la Noqdaa Cadho Eebe Hooygiisuna waa Jahannamo iyadaana u Xun meel loo ahaado.
M.Abduh 8:16
17
Idinku maydaan ku layn Gaalada (Xooggiinna) Eebaase laayey, mana Aadan Ganayn markaad ganaysay Eebaase Ganay (ku Hagaajiyey) inuu u Niemeeyo Mu'miniita Niemo Wanaagsan, Eebana waa Maqle Og.
M.Abduh 8:17
18
Arrintaasna waxaa ugu waean in Eebe uu Tabaryarayn Dhagrate Gaalada.
M.Abduh 8:18
19
Haddaad kala Xukumid Dalabteen Gaaloy waxaa idiin Yimid Gargaarkii (Nabiga) inaadse Reebtoontaan yaa idiin Khayr roon, haddaad ku noqotaan Xumaantana waxaannu ku Noqon Gargaarka (Nabiga) waxna idiinma tarayso Kooxdiinnu haba badnadeene Eebana wuxuu la Jiraa Mu'miniinta.
M.Abduh 8:19
20
Kuwa (Xaqa) Rumeeyow Adeeca Eebe iyo Rasuulkiisa hana ka Jeedsanina idinkoo Maqli.
M.Abduh 8:20
21
Hana Noqonina kuwii Yidhi Maqallay iyagoon wax Maqlayn.
M.Abduh 8:21
22
Dhul Socod waxaa ugu Shar badan (Uxun) Eebe agtiisa ma Maqle (Xaqa) ma hadle oon kasayn (Wanaagga).
M.Abduh 8:22
23
hadduu ku Ogyahay Eebe Khayr wuu maqashiin lahaa (Garansiin lahaa) hadduuse Maqashiiyo way Jeedsanlahaayeen (Kibirdartiis) iyagoo is dadbi.
M.Abduh 8:23
24
Kuwa Xaqa Rumeeyow Maqla Eebe iyo Rasuulka Markuu idiinku Yeedho wax idin nooleeya (XAQA) Ogaadana in Eebe (Karo) inuu kala Dhexmaro Ruuxa iyo Qalbigiisa, oo Xaggiisa laydin soo Kulmin.
M.Abduh 8:24
25
Ka Dhawrsada Fidmo oon ugu Dhacayn kuwii Dulmiga falay Gaar ahaan oo idinka mida, Ogaadana in Eebe Ciqaabtiisu Darantahay.
M.Abduh 8:25
26
Xusuustana markaad ahaydeen kuwo yaroo lagu Tabar darraysto Dhulka (Makaad) idinkoo ka Cabsan in Dadku idin dafo oo markaas uu idin Dhaweeyey (Dumay) idinkuna Xoojiyey Gargaarkiisa, idinkuna Arzaaqay Wanaag (Xalaal) inaad ky Mahdisaan.
M.Abduh 8:26
27
Kuwa (Xaqa) Rumeeyow ha Khayaamina Eebe iyo Rasuulka iyo Ammaanadiinna idinkoo Og.
M.Abduh 8:27
28
Odaadana in Xoolihiinnu iyo Caruurtiinnu Fidno uun yihiin oo Eebe Agtiisa Ajir wayn yahay.
M.Abduh 8:28
29
Kuwa (XAQA) Rumeeyow haddaad ka Dhawrsataan Eebe wuxuu idiin yeeli Faraj (iyo Nabadgalyo) wuxuuna Asturi Xumaantiinna «Dambigiinna», Wuuna idiin Dhaafi Eebana waa Fadli Wayne.
M.Abduh 8:29
30
Xusuuso (Nabiyow) markay ku dhakrayeen Kuwii Gaaloobay inay ku Xidhaan, ama ku Dilaan ama ku Bixiyaan, way ku Dhakrayeen Eebaase ka abaal marin isagaana Abaal mariye Khayr roona ah.
M.Abduh 8:30