Ana SayfaMealler › M.Abduh
MA

M.Abduh

M.Abduh
M.Abduh meali ile okumaya başla
İnsan 1 / 31
1
Dhab ahaan waxaa dadka soo maray waqti wax la sheego uusan ahayn (uusan jirin).
M.Abduh 76:1
2
Annagaa ka abuuray dadka dhibic isku Dheehan, Imtixaan Dartiis, waxaana ka yeellay wax maqle wax arka ah.
M.Abduh 76:2
3
Annagaa Dadka tusinnay Jidka, waxayna Noqdeen mid Shukriya (mahadiya) iyo mid Gaalnimo Badan.
M.Abduh 76:3
4
Annagaa u darabnay Gaalada silsilado iyo katinado iyo naarta Saciira.
M.Abduh 76:4
5
kuwa Baarriyiinta ah waxay ka cabbi weel Buuxa oo lagu Dheehay kaafuur.
M.Abduh 76:5
6
Waa il ay ka Cabbaan Addoomada Eebe, ayna ujiidaan say Doonaan,
M.Abduh 76:6
7
Wayna oofiyaan Nadarka, waxayna ka yaabi maalin sharkeedu fidi (qiyaamada).
M.Abduh 76:7
8
Waxayna Quudiyaan iyagoo jecel miskiinka Agoonka iyo kan xabbisan (Dhibban).
M.Abduh 76:8
9
Iyagoo Dhihi waxaan idiin quudinnay dar Eebe, mana idinka doonaynno Ahaalmarin iyo Mahadnaq Midna.
M.Abduh 76:9
10
Waxaan ka Yabaynaa Eebahanno Maalin (wajigu) doorsoomi oo Daran.
M.Abduh 76:10
11
Eebana waa ka Dhawray sharka Maalintaas, wuxuuna siiyay nuur iyo Farax.
M.Abduh 76:11
12
Wuxuuna ku abaal Mariyay Samirkooda Dartiis jano iyo Xariir.
M.Abduh 76:12
13
Waxayna ku Dangiigsan Sariiro Sare, iyagoon ku arkayn qorrax iyo Dhaxan midna.
M.Abduh 76:13
14
Waxaana u dhaw hooska jannada, waxaana loo soo Raariciyay Midheheeda.
M.Abduh 76:14
15
Waxaa lala kor socon weelal Fidla ah iyo Koobab Quruurado ah.
M.Abduh 76:15
16
Quruuradahaas oo fidla ah si fiicanna u Qiyaasan.
M.Abduh 76:16
17
Waxaana laga Waraabiyaa Ehlu jannaha Sharaab macaan oo lugu Dheehay sinjibiil.
M.Abduh 76:17
18
Waana il lugu Magacaabo Salsabiil (ay ka cabbi).
M.Abduh 76:18
19
Waxaana u ageegi wiilal waari, Haddaad Aragtana aad u malayn Jawhar la saydhay.
M.Abduh 76:19
20
Haddaad Aragto halkaas waxaad arki nicmo iyo sharaf wayn.
M.Abduh 76:20
21
Dharkooduna (Ehlu Jannaha) waa xariir Jilicsan oo cagaaran iyo Xariir adagba, waxaana loo xidhi fidlo Gacmaha la Gashado, Eebana wuxuu ka waraabiyaa sharaab nadiifah.
M.Abduh 76:21
22
Kaasi waa Abaalmarintiinii Falkiiniina wuxuu Noqday mid la Mahadiyay.
M.Abduh 76:22
23
Annagaa Quraanka Nabiyow kugu soo Dajinnay.
M.Abduh 76:23
24
Ee ku Samir Xukunka Eebe, hana Maqlin Dambiile iyo Gaalnima Badane (warkiis).
M.Abduh 76:24
25
Xus magaca Eebe subax iyo Galabba.
M.Abduh 76:25
26
Habeenkana Eebe u sujuud, una tasbiixso Habeenkii (u tuko) waqti Dheer.
M.Abduh 76:26
27
Kuwaasi waxay Jecelyihiin tan soo Dagdagaysa (Adduunyada) waxay kaga Tagayaan Gadaashoodana Maalin Culus (Qiaamada).
M.Abduh 76:27
28
Annagaa Abuurray Dadka, Adkaynayna xubnohooda, Haddaan Doonnana waxaan ku Baddalaynaa kuwa la mid ah.
M.Abduh 76:28
29
Suuraddani waa waano, Ee Ruuxii Doona ha ka yeesho Eebe Xaggiisa waddo.
M.Abduh 76:29
30
Waxna ma dooni kartaan in Eebe doona mooyee, Eebana waa wax walba oge falsan.
M.Abduh 76:30