Ana SayfaMealler › M.Abduh
MA

M.Abduh

M.Abduh
M.Abduh meali ile okumaya başla
Kıyame 1 / 40
1
Waxaan ku dharaan maalinta qiyaame.
M.Abduh 75:1
2
Waxaan ku dhaaran (oo kale) nafta Dagaasha (Saaxiibkeed) (Ee waa la idin soo bixin).
M.Abduh 75:2
3
Ma wuxuu u maleeyay Dadku inaanaan kulminhaynin lafihiisa.
M.Abduh 75:3
4
Saas ma aha ee waan karraa inaan sinno (soona Celinno) Farihiisa.
M.Abduh 75:4
5
Wuxuuse Dooni Dadku inay ka Gaaloobaan waxa ka horreeya.
M.Abduh 75:5
6
Wuxuu waydiin waa Goorma Maalinta Qiyaame.
M.Abduh 75:6
7
Markase Araggu Wareero (Taagmo).
M.Abduh 75:7
8
Dayuxuna Madoobaado.
M.Abduh 75:8
9
Lana Kulmiyo Qorraxd iyo Dayaxa.
M.Abduh 75:9
10
Wuxuu Dhihi Dadku Maalintaas xagee loo cararaa.
M.Abduh 75:10
11
Saas ma aha ee ma jiro wax la magan Galo (Eebe Mooyee).
M.Abduh 75:11
12
Xagga Eebahaa yaana Maalintaas loo ahaan.
M.Abduh 75:12
13
Waxaa looga warrami dadka Maalintaas wuxuu hormarsaday iyo wuxuu Dibmarsaday.
M.Abduh 75:13
14
Ruux walbana Naftiisa isagaa ku maragfuri.
M.Abduh 75:14
15
Si kasta Hadduu u cudurdaartana (wax uma tarto).
M.Abduh 75:15
16
Ha Dhaqaajinin Nabiyow Carrabka inaad Quraanka ku Dagdagto (Akhriskiisa).
M.Abduh 75:16
17
Annagaa Laabtaada ku kulmin kuuna Akhriyi.
M.Abduh 75:17
18
Ee Markaan akhrino Raac Akhriskiisa.
M.Abduh 75:18
19
Annagaana isasaarray Cadaayntiisa.
M.Abduh 75:19
20
saas ma aha Ee waxaad Jeceshihiin Dadow tan soo Dagdagaysa (Adduunyada).
M.Abduh 75:20
21
Waxaadna ka tagaysaan aakhiro.
M.Abduh 75:21
22
Wajiyaal Maalintaas way ifi.
M.Abduh 75:22
23
Eebeheedna way Eegi.
M.Abduh 75:23
24
Wajiyaalna Maalintaas way kaduudsami.
M.Abduh 75:24
25
Waxayna hubtaa in lugu fali Balaayo.
M.Abduh 75:25
26
Saas ma aha ee markay naftu gaadho Duunta (Waqtiga Geerida).
M.Abduh 75:26
27
Oo la Dhoho uaa ku tufi.
M.Abduh 75:27
28
Oo uu Yaqiinsado inuu Dhiman.
M.Abduh 75:28
29
Oo labada Dhudhun isku marmaan (sakaraad Dartiis).
M.Abduh 75:29
30
Eebahaa Xaggiisaa la aadi.
M.Abduh 75:30