Ana SayfaMealler › M.Abduh
MA

M.Abduh

M.Abduh
M.Abduh meali ile okumaya başla
Müddessir 1 / 56
1
(Nabiga) Isadadayow.
M.Abduh 74:1
2
Istaag oo dig.
M.Abduh 74:2
3
Eebahaana waynee.
M.Abduh 74:3
4
Dharkaagana daahiri.
M.Abduh 74:4
5
Xumuuntana ka hijroo (iyo Sanamyada).
M.Abduh 74:5
6
Hana ku mannaysan Adoo Badsan (waxaad Bixisay).
M.Abduh 74:6
7
Eebahaa Dartiisna u Samir.
M.Abduh 74:7
8
Marka Suurka (yiaame) la Afuufo.
M.Abduh 74:8
9
Maalintaasu waa maalin ku Daran.
M.Abduh 74:9
10
Gaalada oon u Fududayn.
M.Abduh 74:10
11
Isukaanna daa Aniga iyo kaan Abuuray isaga oo kaligiisa.
M.Abduh 74:11
12
Una yeelay Xoolo Badan.
M.Abduh 74:12
13
Iyo Wilaal Jooga oo «Darban».
M.Abduh 74:13
14
Aan una waasiciyay Risqiga.
M.Abduh 74:14
15
Oo haddana sii damci inaan u Badiyo.
M.Abduh 74:15
16
Saas ma aha, ee kaas wuxuu diiday Aayaadkannaga.
M.Abduh 74:16
17
Waxaana ku kalligi (Ku Dhibi) Cadaab daran.
M.Abduh 74:17
18
Gaalkaasu wuu Fikiray waxbuuna Goostay.
M.Abduh 74:18
19
Waxaana loo Lacnaday Siduu wax u goostay.
M.Abduh 74:19
20
Haddana waxaa loo Lacnaday siduu wax u goostay.
M.Abduh 74:20
21
Kadib wuxuu eebay (si uu Quraanka u wax yeeleeyo).
M.Abduh 74:21
22
Wuuna Waji Macbuusay oo Uruuriyay.
M.Abduh 74:22
23
Markaasuu jeedsaday oo is Kibriyay.
M.Abduh 74:23
24
Isagoo Dhihi quraankani ma aha waxaan sixir la soo Guuriyay ahayn.
M.Abduh 74:24
25
quraankani ma aha waxaan hadal Bashar ahayn.
M.Abduh 74:25
26
waxaannu galin kaas (Naarta) saqara.
M.Abduh 74:26
27
Ma taqaannaa Naarta Saqara.
M.Abduh 74:27
28
Hilib iyo laf midna ma Reebto.
M.Abduh 74:28
29
waxayna Doorisaa jidhka (oy Gubtaa).
M.Abduh 74:29
30
waxaana kor jooga (ka shaqeeya) sagaal iyo toban malag (ama saf).
M.Abduh 74:30