Ana SayfaMealler › M.Abduh
MA

M.Abduh

M.Abduh
M.Abduh meali ile okumaya başla
Nuh 1 / 28
1
Annagaa Nabi Nuux u dirray Qoomkiisii si uu ugu digo Caddibaadda horteed.
M.Abduh 71:1
2
Wuxuuna ku yidhi Qoomkayow waxaan idiin ahay dige Cad «oo muuqda»
M.Abduh 71:2
3
ee Eebe Caabuda kana dhawrsada'anigana i adeeca.
M.Abduh 71:3
4
Wuu idiin dambi dhaafi wuuna idin dib dhigi ilaa muddo Magacaaban, marka Eebe la yimaaddo ajasha wax dib u dhigi ma jiro haddaad wax ogtihiin.
M.Abduh 71:4
5
Nabi Nuux wuxuu yiri Eebbow waan u yeeray Qoomkaygii Habeen iyo dharaar.
M.Abduh 71:5
6
Yeedhiddayduna uma siyaadinin waxaan caraar ahayn.
M.Abduh 71:6
7
Markasta oo aan u yeedhana si aad ugu dambi dhaafto waxay farahooda yeelaan dhagahooda, maryahoodana way isku dadaan, wayna ku Madax adaygaan xumaanta wayna is weyneeyaan.
M.Abduh 71:7
8
si kor ah yaan ugu yeedhay, «dadka dhexdiisa»
M.Abduh 71:8
9
Waana u qaylyey, hoosna waan ugu yeeray.
M.Abduh 71:9
10
Waxaana ku idhi Eebihiin dambi dhaaf weydiista waa dambi dhaaf badance.
M.Abduh 71:10
11
Cirkana Roob badan ha idinka keenee.
M.Abduh 71:11
12
Hana idiin kordhiyo Xoolo iyo Wiilal iyo Beero hana idiin yeelo Wabi yaal.
M.Abduh 71:12
13
Maxaad leedihiin ood weynida Eebe uga cabsoon weydeen.
M.Abduh 71:13
14
Isagoo idin abuuray idinkoo soo maray Xaalado kala duwan.
M.Abduh 71:14
15
Miyaydaan arkaynin sida Eebe u Abuuray toddoba Samo oo isdulsaaran.
M.Abduh 71:15
16
Dayaxana uga yeelay Dhexdooda Nuur, qorraxdana ka yeelay siraad.
M.Abduh 71:16
17
Eebe waa Kan idinka soo Bixiyay Dhulka.
M.Abduh 71:17
18
Haddana idinku Celin doona Dhexdiisa idinkana soo bixindoona.
M.Abduh 71:18
19
Eebe waa kan Idiinka yeelay Dhulka gogol.
M.Abduh 71:19
20
Si aad ugu socotaan Dhexdiisa waddooyin waawayn.
M.Abduh 71:20
21
(Nabi) Nuux wuxuu yidhi Eebow way I caasiyeen waxayna Raaceen kuwo aan xoolohoodu iyo Carrurtoodu waxaan khasaara ahayn u kordhinaynin.
M.Abduh 71:21
22
Dhagar waynna way Dhakreen.
M.Abduh 71:22
23
Waxay isu Dheheen ha ka tagina Ilaahyaalkiinna, hana ka Tagina wuddi iyo suwaax iyo yaguuth, iyo Yacuuq iyo Nasri.
M.Abduh 71:23
24
Waxayna Dhumiyeen dad Badan ee Eebow ha kordhinnin Daalimiinta waxaan baadi ahayn.
M.Abduh 71:24
25
Gafkoodi Dartiis yaa loo Maansheeyay Naarna Loo Galiyey, mana helayaan Eebe ka soke gargaare,
M.Abduh 71:25
26
Nuux wuxuu yidhi Eebow ha kaga tagin Dhulka korkiisa Gaalada Ruxna.
M.Abduh 71:26
27
Maxaayeelay Hadaad kaga tagto waxay Dhumin Addomahaaga, mana dhalayaan waxaan gaal xun ahayn.
M.Abduh 71:27
28
Eeboow u dambi Dhaaf Aniga iyo waalidiintay iyo ruuxii gala gurigeyga isagoo Mu'min ah Raf iyo haweenba, hana u kordhinnin Daalimiinta waxaan halaag ahayn.
M.Abduh 71:28
Nuh suresi tamamlandı