Ana SayfaMealler › M.Abduh
MA

M.Abduh

M.Abduh
M.Abduh meali ile okumaya başla
Mülk 1 / 30
1
Waxaa barako badnaaday (oo weynaaday) Eebaha Xukunku awooddiisa ku jiro ee wax walbana kara.
M.Abduh 67:1
2
Eebaha abuuray geeri iyo nololba, si uu dadow idiin imtixaamo kiinna Camal fiican, Eebana waa adkaade dambidhaafe ah.
M.Abduh 67:2
3
Eebe waa midka abuuray Toddobo Samo oo isdul saaran kuna arki maysid abuurka Eebaha Raxmaanka ah kala tagsani, bal daymada celi inaad aragto wax dillaac ah.
M.Abduh 67:3
4
Haddana celi daymada waxaa kugu soo noqon aragga oo dhiban daallanna.
M.Abduh 67:4
5
Eebe wuxuu ku quxiyey Samada dhow Nalal (Xiddigaha) wuxuuna ka dhigay Xiddigahaas kuwo lagu gano Shayaadiinta, Wuxuuna Eebe u diyaariyay kuwaas Naarta Saciiro.
M.Abduh 67:5
6
Kuwa ka gaaloobay Eebahood waxaa u sugnaaday Caddibaadda Jhannamo, meel loo ahaadana iyadaa u xun.
M.Abduh 67:6
7
Marka Gaalada lagu tuuro Naarta waxay ka maqli Cod xun oo daran iyadoo karaysa.
M.Abduh 67:7
8
waxay u dhawdahay inay Cadha daraadeed la kala dillaacdo, marka Koox (Gaala ah) lagu ridaba waxaa warsada Malaa'igta Naarta ka shaqeysa iyagoo ku dhihi miyuusan idiin imaanin wax idiin diga.
M.Abduh 67:8
9
Waxayna ugu jawaabi waa noo yimid wax noo diga waanse beeninay, annagoo leh ma soo dejinin Eebe waxba, idinkuna waxaad ku sugan tihiin baadi weyn.
M.Abduh 67:9
10
Gaaladii waxay dhaheen haddaan wax maqlaynno ama aan wax kasayno Naarta Saciiro ehelkeeda ma aanaan noqoneen.
M.Abduh 67:10
11
Waxay kirteen (Gaaladu) dambigoodii waxaana u sugnaatay fogaansho Naarta Saciiro ehelkeeda.
M.Abduh 67:11
12
Kuwa Eebe ka yaaba iyagoon la arkaynin (Eebe mooyee) waxaa u sugnaaday dambi dhaaf iyo ajri weyn.
M.Abduh 67:12
13
Ama hadalka hoos dhiga dadow ama kor u qaada Eebe waa ogyahay waxa laabta ku jira.
M.Abduh 67:13
14
Ma waxaan wax ogeyn Eebaha wax walba abuuray ee wax walba daalacan.
M.Abduh 67:14
15
Eebe waa kan Dhulka ka dhigay mid laylan ee ku socda Waddooyinkiisa kana Cuna Quudkiisa Eebaana Dadku loo soo kulmin (Qiyaamada).
M.Abduh 67:15
16
Miyaad ka aamin noqoteen Eebaha Sare inuu Dhulka idin la gooyo, ayna idinla dhaqdhaqaaqdo.
M.Abduh 67:16
17
Miyaadse ka aamin noqoteen Eebaha Sare inuu Dhagaxyo Naar ah idinku soo daadiyo, waad ogaan doontaan digiinta Eebe Cidhibteeda.
M.Abduh 67:17
18
Waxaa Eebe beeniyey Gaaladii (reer Makaad) ka horreeyey, sidayse ahayd Ciqaabti Eebe.
M.Abduh 67:18
19
Miyeyna dadku arkaynin Shimbirka korkooda ah marna baalka fidin marna laabi wax haya oon Eebaha Raxmaan ahayna uusan jirin, Eebana wax walba wuu arkaa.
M.Abduh 67:19
20
Waa kuma Gargaaraha Eebaha Raxmaan ah ka soo hadhay ee u gaargaari Gaalada, Gaaladu waxay ku sugan yihiin kadsoomid.
M.Abduh 67:20
21
Waa kuma kan wax quudiya haddii Eebe haysto Risqigiisa, Gaaladu waxay ku Madax adaygeen isla weyni iyo Xaq diidnimo.
M.Abduh 67:21
22
Midkee wanaagsan Ruux Wajiga k socda iyo mid si toosan oo siman Wadda Toosan ugu socda.
M.Abduh 67:22
23
Dheh Nabiyow Eebe waa midka Dadkow idin ahaysiiyey, Maqal iyo Arag iyo Caqlina idiin yeelay, wax yar baadse Eebe ku shukridaan.
M.Abduh 67:23
24
Dheh Eebe waa midka dadkow Dhulka idinku beeray isagaana (Qiyaamada) loo soo kulmin doona Dadka.
M.Abduh 67:24
25
Waxay dhihi Gaaladu waa goorma Waqtiguu dhici waxa naloogu gooddin haddaad run sheegaysaan.
M.Abduh 67:25
26
Dheh Eebaa og goortaas, waxaanse ahay Anigu u dige Cad (muuqda).
M.Abduh 67:26
27
Markaysa Gaaladu Naarta oo u dhow arkaan waxaa xumaan oo doorsoomi Wajiga Gaalada, waxaana lagu dhihi waaka Cadibaaddii aad ddonayseen (dedejisanayseen).
M.Abduh 67:27
28
Dheh balse ka warrama haddii Eebe aniga (Nabiga) iyo inta ila jirta uu halligo ama u naxariisto yaa Gaalo ka korin Caddibaad daran.
M.Abduh 67:28
29
Dheh Eebe waa Raxmaan waana rumaynay, waana Tala saaranay, waadse ogaan doontaan (Gaalooy) Cidda Baadi Cad ku sugan.
M.Abduh 67:29
30
Dheh balse Warrama hadday Biyuhu Dhulka ku gudhaan yaa idin siin Biya durduri (ma jiro Eebe waxaan ahayn).
M.Abduh 67:30
Mülk suresi tamamlandı