Ana SayfaMealler › M.Abduh
MA

M.Abduh

M.Abduh
M.Abduh meali ile okumaya başla
Vakıa 1 / 96
1
Markay Qiyaamadu dhacdo.
M.Abduh 56:1
2
Dhiciddaas wax beenin ma jiro (markay arkaan).
M.Abduh 56:2
3
Waana (mid) hoos u dhiga kor u dhiga ah.
M.Abduh 56:3
4
Marka la gilgilo Dhulka gilgilid.
M.Abduh 56:4
5
Buurahana la riqdo.
M.Abduh 56:5
6
Oy noqoto boodh Firdhisan.
M.Abduh 56:6
7
Ood ahaataan Saddex nooc, (markaasaa dadka la soo bixin).
M.Abduh 56:7
8
Kuwa midigta mari (waa Ehlu-Jannehee), ma taqaan kuwa midigta mari.
M.Abduh 56:8
9
Iyo kuwa bidixda mari (waa ehluNaarkee) ma taqaan kuwa Bidixda mari.
M.Abduh 56:9
10
Iyo kuwii aad u hormaray.
M.Abduh 56:10
11
Waa kuwa Eebe dhaweeyay.
M.Abduh 56:11
12
Waxayna gali Jannooyin Nicma leh.
M.Abduh 56:12
13
Waana Koox ka mid ah kuwii hore.
M.Abduh 56:13
14
Iyo wax yar oo ka mid ah kuwii dambeeyay.
M.Abduh 56:14
15
Sariiro Dahab laga sameeyay yayna ku sugnaan.
M.Abduh 56:15
16
Oy kuna dangiigsan korkeeda iyagoo is qaabili.
M.Abduh 56:16
17
Waxaa la dhex wareegi wiilal waari.
M.Abduh 56:17
18
Koobab iyo kildhiyo iyo weel uu ka buuxo macaan socda.
M.Abduh 56:18
19
Madax xanuun iyo caqlitagid midna ma leh.
M.Abduh 56:19
20
Faakihaday «khudaartay» doonaanna way heli.
M.Abduh 56:20
21
Iyo Hilib Shimbir oo kay rabaan ah.
M.Abduh 56:21
22
Iyo Haween Janno oo Indha cadcad.
M.Abduh 56:22
23
Ood mooddo Jawhar la ilaaliyay.
M.Abduh 56:23
24
Waana abaalmarin waxay Camalfali jireen (oo wanaag ahaa).
M.Abduh 56:24
25
Kumana maqlaan Jannada hadal micno darra iyo dambi midna.
M.Abduh 56:25
26
Waxayse ku Maqli Salaan (dhexdooda ah).
M.Abduh 56:26
27
Kuwa Midigta mari, Ma taqaan kuwa midigta.
M.Abduh 56:27
28
Waxay heli Geedka Sidriga ah oon Qodax lahayn.
M.Abduh 56:28
29
Iyo Geedka Dhalxiga ah oo buuxa.
M.Abduh 56:29
30
Iyo Hoos joogta ah.
M.Abduh 56:30