Ana SayfaMealler › M.Abduh
MA

M.Abduh

M.Abduh
M.Abduh meali ile okumaya başla
Rahman 1 / 78
1
(Eebaha) Raxmaan ah.
M.Abduh 55:1
2
Wuxuu baray (Nabiga iyo dadka kalaba) Quraanka.
M.Abduh 55:2
3
Dadkana wuu abuuray.
M.Abduh 55:3
4
Wuxuuna baray dadka (Hadalka).
M.Abduh 55:4
5
Qorraxda iyo dayaxuna waxay ku socdaan xisaab.
M.Abduh 55:5
6
Xiddigga iyo Geedkuba way Sujuudaan (Eebe Dartiis).
M.Abduh 55:6
7
Samadana Eebaa koryeelay, Garsoorna wuu dajiyay.
M.Abduh 55:7
8
Si aydaan uga gudbin Caddaaladda.
M.Abduh 55:8
9
Miisaanka ku hagaajiya Caddaalad, hana nuqaamininna.
M.Abduh 55:9
10
Dhulkana Eebe wuxuu u dajiyay khalqiga.
M.Abduh 55:10
11
Dhexdiisa waxaa ah Faakihad (khudaar) iyo Timir Fiido leh.
M.Abduh 55:11
12
Xubuubna (midho) ball leh iyo udgoona wuu abuuray.
M.Abduh 55:12
13
Nicmooyinka Eebe teebaad beeninaysaan (Insi iyo Jinniyow).
M.Abduh 55:13
14
Dadka Eebaa ka abuuray dhoobo Jilay oo kale ah.
M.Abduh 55:14
15
Jaankana wuxuu ka abuuray ololka Naarta.
M.Abduh 55:15
16
Nicmooyinka Eebe teebaad beeninaysaan.
M.Abduh 55:16
17
Ilaaheen waa Eebaha Labada Qorrax ka soo bax iyo Labada Qorrax u dhac.
M.Abduh 55:17
18
Nicmooyinka Eebe teebaad beeninaysaan.
M.Abduh 55:18
19
Eebe waan kan Labada Badood dariseeyey iyagoo kulmi.
M.Abduh 55:19
20
Dhexdoodana yeelay soohdin (kala reebta) iskumana xadgudbaan.
M.Abduh 55:20
21
Nicmooyinka Eebe teebaad beeninaysaan.
M.Abduh 55:21
22
Waxaa lagala baxaa Baddaas Lu'Lu'iyo Murjaan (Jawhar).
M.Abduh 55:22
23
Nimcooyinka Eebe teebaad beeninaysaan.
M.Abduh 55:23
24
Eebe waxaa u sugnaaday Doomaha socda Badda oo Buuro la mid ah.
M.Abduh 55:24
25
Nimcooyinka Eebe teebaad beeninaysaan.
M.Abduh 55:25
26
Dhammaan waxa (Dhulka) korkiisa ah wuu tagi.
M.Abduh 55:26
27
Waxaase hadhi Eebaha wayn ee sharafta leh.
M.Abduh 55:27
28
Nimcooyinka Eebe teebaad beeninaysaan.
M.Abduh 55:28
29
Waxaa Eebe wax waydiista Samada iyo Dhulka waxa ku sugan, goorwalbana wuxuu maamuli arrin.
M.Abduh 55:29
30
Nimcooyinka Eebe teebaad beeninaysaan.
M.Abduh 55:30