Ana SayfaMealler › M.Abduh
MA

M.Abduh

M.Abduh
M.Abduh meali ile okumaya başla
Necm 1 / 62
1
Wuxuu ku dhaartay (Eebe) Xiddiggu markuu hoobto.
M.Abduh 53:1
2
Ee saaxiibkiin (Nabigu) ma dhumin, xaqana kama leexan.
M.Abduh 53:2
3
Kumana hadlo hawadiisa.
M.Abduh 53:3
4
quraankuna waxaan waxyi Eebe ahayn ma aha.
M.Abduh 53:4
5
Waxaana wax baray (oo xagga Eebe ka soo gaadhsiiyay) ku xoog wayn, (Malaku Jibriil).
M.Abduh 53:5
6
Ee caafimaad iyo quwaba leh, abuuriddiisuna egtahay.
M.Abduh 53:6
7
Wuxuu joogay jihadii sare (Jibriil).
M.Abduh 53:7
8
Kaddibna u soo dhawaaday kuna soo hoobtay (Nabiga).
M.Abduh 53:8
9
Intuu uga jirsado Qaanso (xadhiggeed) ama ka dhaw.
M.Abduh 53:9
10
Wuxuuna Eebe waxyooday Addoonkiisa (Nabiga) wuxuu u waxyooday.
M.Abduh 53:10
11
Qalbiguna Ma beeniyo wuxuu arkay (Nabigu).
M.Abduh 53:11
12
Ee ma idinkaa ka murmi «kana doodi» wuxuu arkay.
M.Abduh 53:12
13
Dhabnimuu Nabigu u arkay Jibrill mar kale.
M.Abduh 53:13
14
Sidratul-Muntaha agteeda.
M.Abduh 53:14
15
Agteedana waxaa ah Jannatul-ma'waa.
M.Abduh 53:15
16
(Wuxuu arkay) waqtiguu daboolayay Sidrada wax daboola.
M.Abduh 53:16
17
Arragguna kama iilan wuxuu arkay (Nabigu) mana xadgudbin.
M.Abduh 53:17
18
Dhabnimo yuuna u arkay (Nabigu) Aayado Eebe oo waawayn.
M.Abduh 53:18
19
Ka warrama (Sanamyada) Laata iyo Cuza.
M.Abduh 53:19
20
Iya Manaatadii saddexaad ee kale.
M.Abduh 53:20
21
Idinku ma waxaad leedihiin Lab Eebana Dhaddigga.
M.Abduh 53:21
22
Taasi waa qayb dulan ah.
M.Abduh 53:22
23
Sanammaduna magacyo aad magacowdeen idinka iyo Aabayawgiin mooyeen wax kale ma aha, wax xuja ahna Eebe uma soo dajinin, waxaan mala ahaynna ma raacayaan iyo waxa naftoodu doonto, xagga Eebana waxaa uga yimid hanuun.
M.Abduh 53:23
24
Mise dadka waxaa u sugnaaday waxay yididiishaan.
M.Abduh 53:24
25
Aakhiro iyo Adduunba Eebaa iska leh.
M.Abduh 53:25
26
Badanaa Malag Samada ku sugan oon shafeecadiisu waxba anfacaynin in Eebe idmo mooyee, Cidduu la doono oo ka raalli noqdo.
M.Abduh 53:26
27
Kuwa aan rumaynin Aakhiro waxay Malaa'igta ku magacaabi magac dhaddig.
M.Abduh 53:27
28
Wax cilmi ahna uma laha, ee waxay raaci mala uun, malana xaqa wax kama taro.
M.Abduh 53:28
29
Ee iskaga jeedso (nabiyow) Ruux ka tagay xukayga (Quraanka) oon doonin waxaan nolosha Adduunka ahayn.
M.Abduh 53:29
30
Kaasina waa garaadkooda aqooneed intuu gaadhay, Eebana waa ogyahay cidda ka dhuntay jidkiisa, waana ogyahay cidda hanuunsan.
M.Abduh 53:30