1
(Eebe wuxuu ku dhaartay) Dhuurisiina.
2
Iyo Kitaabka la dhigay,
3
Oo ku qoran warqado la fidiyay.
4
Iyo Gurigii cammirraa (Beytulmacmuur).
5
IYo saanqaafka la koryeelay (cirka).
6
Iyo Baddii la kululeeyay.
7
Ee caddibaadda Eebe waa wax dhici (sugan).
9
Waxay dhici caddibaaddaas Maalinta Samadu wareegi.
11
Halaagna waxaa iska leh maalintaas kuwa xaqa beeniyay.
12
Ee ah kuwa tiimbashada xumaanta ku dhex ciyaari.
13
Maalinta Naarta xoog loogu tuurina (waxa lagu dhihi).
14
Waatan Naartii aad beenin jirteen.
15
Ma sixirbaa, mase waxbaydaan arkayn.
16
Gala, ama samra ama ha samrine, waa isugu kiin mid, waxaa uun laydinka abaalmarin waxaad camal falayseen.
17
Kuwa Eebe ka dhawrsaday waxay gali Jannooyin iyo Nicmo.
18
Iyaga oo ku raaxaysan waxa Eebe siiyay, Eebohoodna wuxuu ka dhawray caddibaadda Jaxiiimo.
19
(Waxaana lagu dhihi) cuna oo cabba idinkoo shifaysan camalkiinnii dartiis.
20
Idinkoo ku dangiiga Sariiro la safay, waxaanna (Eebe) u guurin Haween Janno (Xuuralcayn).
21
Kuwa xaqa rumeeyay ee carurtooduna Iimaanka ka raacday waxaannu haleeshiin carruurtooda (Darajada iyo naxariista), camalkoodana waxba kama nusqaaminayno, Ruuxwalbana wuxuu kasbaday yuu u rahmanaan «u xidhnaani».
22
waxaannu u badinnay faakiho iyo Hilib oo ah waxay jecelyihiin.
23
Waxayna isku siin Jannada dhexdeeda (iyagoo sheekeysan) Weel (Macaan) kabuuxo, oon hadal xun iyo dambi midna lahayn.
24
Waxaana u adeegi wiilal aad moodo Jawhar la dhawray.
25
Qaarkood (ehlu-Jannaha) yaa qaarka kale qaabila iyagoo wax is waydiin.
26
Waxayna isu dheheen waxaan ahayn horay Adduunkii kuwo ehelkoodii dhexdiisa ku cabsada.
27
Eebaase nagu mannaystay (dambi dhaaf), wuxuuna naga dhawray caddibaadda Samuumka (Jahannama).
28
Waxaan ahayn horay kuwo barya Eebe, Ilaahayna waa Baarrii naxariista.
29
Ee waani (Nabiyow dadka), nicmada darteed ma tihid wax sheege iyo waalane midnee.
30
Mise waxay dhihi waa gabayaa ee aan la sugno Geerida.
Sonraki 19 ayet →