Ana SayfaMealler › M.Abduh
MA

M.Abduh

M.Abduh
M.Abduh meali ile okumaya başla
Muhammed 1 / 38
1
kuwii Gaaloobay oo jidka Eebana ka leexiyay Dadka Eebe waa buriyay camalkooda.
M.Abduh 47:1
2
kuwa rumeeyay xaqase oo camal fiican falay oo rumeeyay Quraanka lagu soo dajiyay (Nabiga) Muxammad ah ee xaqa ah Eebe wuu astuuri xumaantooda, xaalkoodana wuu wanaajin.
M.Abduh 47:2
3
saasna waxaa ugu wacan in kuwa Gaaloobayna ay raaceen Baadhil, kuwa rumeeyayna ay raaceen Baadhil, kuwa rumeeyayna ay raaceen xaqa Eebe, saasuuna Eebe u yeelaa tusaale.
M.Abduh 47:3
4
Haddaad kula kulantaan Gaalada Dagaal Luqunta ka garaaca, markaad sugtaanna ku adkeeya xidhidda, markaas ama iska siidaaya ama haysfurteen, inta Dagaalku ka xasili, xaalku waa saas, hadduu Eebe doonana wuu ka aarsankaraa, hase yeeshee wuxuu saas u falay inuu qaarkiin qaarka kale ku imtixaano, kuwa Jidka Eebe lagu dilana Camalkooda Eebe ma halleeyo.
M.Abduh 47:4
5
Eebana wuu toosin oo hanuunin kuwaas, wuuna wanaajinn xaalkooda.
M.Abduh 47:5
6
Wuxuuna galin Janno (uu baray) u caddeeyay.
M.Abduh 47:6
7
Kuwa xaqa rumeeyow haddaad u gargaartaan Eebe (Diintiisa) isna wuu idiin gargaari, Gommadihinnana wuu sugi (Geesinnimo).
M.Abduh 47:7
8
Kuwa Gaaloobayse Halaag iyo (hoos u dhac) yaa u sugnaaday, Camalkoodiina Eebe wuu halleeyay.
M.Abduh 47:8
9
Saas waxaa ugu wacan inay neceen waxa Eebe soo dajiyay oo xaqa ah, markaasuu hoobiyay Camalkoodii.
M.Abduh 47:9
10
Miyayna ku soconin dhulka oo markaas ay arkaan siday noqotay Cidhibtii kuwii Gaaloobay ee Ree Maka ka horreeyay, Eebaa halaagay, Gaaladana waxaa u sugnaaday saasoo kale halaag.
M.Abduh 47:10
11
Saas waxaa ugu wacan in Eebe yahay gargaaraha Mu'miniinta, Gaaladuna ayna gargaare lahayn.
M.Abduh 47:11
12
Eebe wuxuu galin Mu'miniinta Camalka fiicanna falay Jannooyin ay dureeri dhexdeeda Wabiyaal, kuwa Gaaloobayna way raaxaysan (Addnunka) una cuni sida xooluhu wax u cunaan, Naarna waa Gurigay ku hoyan.
M.Abduh 47:12
13
Imisay jirtay Magaalo ka xoog badan Magaaladaadan ku bixisay (Maka) aanna hallignay, gargaarana aan helin.
M.Abduh 47:13
14
Ruux xaqa cad ee Eebe ku sugan ma la midbaa Ruux loo qurxiyay Camalkiisa xun oo haddana waxa naftiisu jeceshahay (ee xun) raaca.
M.Abduh 47:14
15
Tilmaanta Jannada loogu yaboohay mu'miniinta waa in Wabiyaal biya ah oon doorsoomaynin dhexdeeda yihiin, iyo Wabiyaal Caano ah ooo iyana dhadhankoodu doorsoomaynin, iyo Wabiyaal Khamro (xalaal ah) oo u macaan dadka cabbi, iyo Wabiyaal Malab ah oo la sifeeyay, waxayna Jannada ku leeyihiin nooc kasta ooMidho ah, iyo dambidhaafka Eebe. Ma la midbaa Ruux Narta ku waari lagana waraabin Biyo kulayl daran oo Xiidmahooda gooya/
M.Abduh 47:15
16
Waxaa ka mid ah Gaalada kuwo ku dhagaysan (Nabiyow), Markay agtaada ka baxaanna ku dhihi kuwa Cilmiga leh (Asxaabta) Muxuu lahaa dhawaan, kuwaasi waa kuwa Eebe daabacay Quluubtooda, waxay naftoodu jeclaydna (oo xunna) raacay.
M.Abduh 47:16
17
Kuwa hanuunay (Eebe) wuxuu u siyaadiyaa hanuun, wuxuuna waafajiyaa (Eebe) kayaabiddiisa.
M.Abduh 47:17
18
Gaaladu ma waxay sugi in Qiyaamadu kado ugu timaaddo, waxaase yimidba Calaamooyinkeedii, ee sideebay xusuus ugu sugnaan hadday Qiyaamadu timaaddo.
M.Abduh 47:18
19
Ogow (kuna sugnow Nabiyow) inaan Eebe mooyeen Ilaah kale jirin, una dambi dhaaf waydii naftaada iyo mu'miniinta Rag iyo Haweenba, Eebana waa ogyahay dhaqdhqaaqiinna iyo nagaadigiinnaba.
M.Abduh 47:19
20
Waxay kuwa xaqa rumeeyay dhahaan Maa la soo dejiyo Suurad, markiise la soodajiyo Suurad sugan Dagaalkana (Jahaadkana) lagu sheego waxaad arkaysaa kuwa quluubta ka buka oo ku soo fiirin (Nabiyow) sida Ruux sakaraad hayo oo kale, halaag baynamutaan kuwaasi.
M.Abduh 47:20
21
Daacadnimo iyo hadal wanaagsan yaa u khayr roonaan lahayd, markase xaalku dhaboobo (Jahaad la galo) haday Eebe u runsheegaan yaa u khayr badan.
M.Abduh 47:21
22
Amaad mudantihiin haddaad xaqa (Jahaadka) ka jeedsataan inaad fasaadisaan dhulka, Qaraabadiinnana goysaan.
M.Abduh 47:22
23
Kuwaasi waa kuwa Eebe lacnaday, dhagaha iyo Indhahana tiray.
M.Abduh 47:23
24
Miyayna Quraanka u fiirsanin (sidhab ah) mise Quluubtoodaa daboolan.
M.Abduh 47:24
25
Kuwa riddoobay (gaalnimo ku noqday) inta xaqu iyo hanuunku u caddaaday ka dib shaydaanbaa u qurxiyay, yididiilo (been ahna) uguna yaboohay.
M.Abduh 47:25
26
Saas waxaa ugu wacan iney kuwa riddoobay ku dheheen kuwa xaqa nacay waxaan idinku (waafaqaynaa) adeecaynaa amarka qaarkiis (colnimada Nabiga), Eebana waa ogyahay waxay qarsan.
M.Abduh 47:26
27
Ee say noqon markay nafta ka qaadayso Malaa'igtu iyadoo ka garaaci Wajiga iyo gadaashaba.
M.Abduh 47:27
28
Saas waxaa ugu wacan inay raaceen kuwaasi wax Eebe ka cadhoodo, neceenna raalli ahaanshihiisa, markaasuu buriyay camalkoodii.
M.Abduh 47:28
29
Kuwii Qalbiga ka bukay ma waxay u maleeyeen inaan Eebe soo muujinayn xumaanta (iyo xasadka) Qalbiga kaga jira.
M.Abduh 47:29
30
Haddaan doonno waan ku tusin karnaa kuwaas, waxaadna ku aqoonsan Calaamad, waxaad kaloo ku oqoonsan hadalka leexsan, Eebana waa ohyahay camalkooda.
M.Abduh 47:30