Ana SayfaMealler › M.Abduh
MA

M.Abduh

M.Abduh
M.Abduh meali ile okumaya başla
Duhan 1 / 59
1
Waannu sheegnay iyadoo kale.
M.Abduh 44:1
2
Waxaan ku dhaartay Kitaabka Cade (Quraanka).
M.Abduh 44:2
3
Anagaa dejinay Quraanka Habeen barakeysan (Layletulqadar) anagaana wax u digi.
M.Abduh 44:3
4
Habeenkaasaana la kala bixiyaa amar kastoo xigmo leh.
M.Abduh 44:4
5
Waana amar agtanada ka ahaaday, anagaana wax dirra (Rasuulo).
M.Abduh 44:5
6
Naxariis ka ahaater xagga Eebahaa, Eebaana wax maqle ah wax og.
M.Abduh 44:6
7
Waana Eebaha samooyiinka iyo Dhulka iyo waxa u dhaxeeya haddaad yaqiinsanaysaan.
M.Abduh 44:7
8
Ilaahay mooyee Eebe kalane ma jiro, isagaa wax nooleeya waxna dila, waana Eebihiina iyo Eebaha Aabbayaalkiinii horreeyey.
M.Abduh 44:8
9
Waxayse ku suganyihiin shaki wayna ciyaari.
M.Abduh 44:9
10
Ee sug Maalinta uu ku imaan Cirku qiiq muuqda (isagoo ku dheehan).
M.Abduh 44:10
11
Oo dabooli Dadka kaasina waa cadaab daran.
M.Abduh 44:11
12
Waxayna dheheen Eebow naga fayd cadaabka waxaan nahay Mu'miniine.
M.Abduh 44:12
13
Goormay waantoobi isagoos u yimid Rasuul cad «muuqda».
M.Abduh 44:13
14
Markaasay ka, jeedsadeen Nabiga waxayna dheheen waa waxlabare waalan.
M.Abduh 44:14
15
Anagu waxaan idiinka faydaynaa cadaabka wax yar idinkuna waxaad ku noqonaysaan xumaanta.
M.Abduh 44:15
16
Maalintaan qabanayno qabashada wayn (Qiyaamada) (ama Badar) waanu aarsan.
M.Abduh 44:16
17
Dhab ahaanbaan Imtixaanay hortood qoomkii Fircoon, waxaana u yimid Rasuul sharaf leh.
M.Abduh 44:17
18
Isagoo dhihi iidhiiba addoomada Eebe (ama maqalka) waxaan idiin ahay Rasuul aamin ah.
M.Abduh 44:18
19
Hana iska wayneynina Eebe waxaan idiin la imid xujo cade.
M.Abduh 44:19
20
Waxaana ka magangalay Eebahay iyo Eebihiin inaad idhagaxyeysaan.
M.Abduh 44:20
21
Ee hadaydaan i rumeyn iga fogaada (idaaya).
M.Abduh 44:21
22
wuxuuna u qaylyey Eebihiis in kuwaasu yihiin Qoom dambiila yaal ah.
M.Abduh 44:22
23
guuri addoomadayda Habeenimo, waa laydin raaciye.
M.Abduh 44:23
24
kana tag badda iyadoo xasilloon oo furan iyagu waa col la maanshayne.
M.Abduh 44:24
25
imisey ka tageen Beero iyo Ilo.
M.Abduh 44:25
26
iyo Tallaal iyo meel sharaf leh.
M.Abduh 44:26
27
iyo Nicmooyin ay ku raaxaysanayeen.
M.Abduh 44:27
28
xaalkuna waa saas, waxaana dhaxalsiinay qoom kale.
M.Abduh 44:28
29
uma ooyin samada iyo Dhulku korkooda, lamana sugin.
M.Abduh 44:29
30
waana ka korinay ree Bani Israa'iil cadaab wax duleeya.
M.Abduh 44:30