Ana SayfaMealler › M.Abduh
MA

M.Abduh

M.Abduh
M.Abduh meali ile okumaya başla
Nisa 1 / 176
1
Dadow ka Dhawrsada Eebihiina Idinka Abuuray Nafkaliya (Aadam) kana Abuuray xaggeeda Haweenaydeeda (Xaawo) kana Abuuraay Xagooda Rag Badan iyo Haweenba, ka Dhawrsada Eebihiina aad wax isku Warsataan iyo Qaraabada, Eebana wuxuu u Yahay Korkiina Ilaaliye.
M.Abduh 4:1
2
Siiya Agoonta xoolahooda hana ku Badalina Xumaan Wanaag, hana Cunina xoolahooda La jirka Xoolihiinna Taasina waa Dambi weyn.
M.Abduh 4:2
3
Haddaad ka Cabsataan inaydaan ku Cadaalad Falin Agoonta Guursada wixii idiin Wanaagsan oo Haween ah, Labo, Saddex iyo Afar, Haddaad ka Cabsataan inaydaan Caddaalad Falin Mid kaliya (Guursada) ama waxay Hanatay Gacmihiinnu Saasaa u Dhaw inaydaan Jawrfalinc.
M.Abduh 4:3
4
Siiya Haweenka Meherkooda isagoo Waajib ah hadday idiinka Raali noqoto wax ka mid ah Naftoodu Cuna idinkoo Shifaysan oo Kadban.
M.Abduh 4:4
5
Ha Siinina Sufahada (Maamuli karin) Xoolahooda ah kuwo idiinka yeelay Eebe Ilaaliye ka Quudiya kana Arradbixiya una Dhaha Hadal Fiican.
M.Abduh 4:5
6
Imtixaamana Agoonta markay Gaadhaan Guur Haddaad ku Aragtaan (Ogaataan) Rashiidnimo (Wanaag) siiya iyaga Xoolahooda hana u Cunina Xad gudub iyo ka degdagis intayna Weynaana, Ruuxii Hodan ah ha dhawrsado Ruuxii Faqiir ahna ha ka Cuno si Wanaagsan, markaad u Dhiibtaan Xoolahooda Marag u yeela Koriisa, waana ku Filanyahay Eebe Xisaabiye.
M.Abduh 4:6
7
Ragga waxaa u Sugnaaday Qayb ka mid ah waxay ka tageen Laba Waalid iyo Qaraabadu Haweenkana waxaa u Sugnaaday Qayb ka mid ah waxay ka Tageen Laba Waalid iyo Qaraabadu
M.Abduh 4:7
8
Hadday Joogaan Qaybta Qaraabo, Agoon iyo Masaakiin (aan dhaxlayn) wax ka Siiya una dhaha Hadal Wanaagsan.
M.Abduh 4:8
9
Hana ka Cabsadeen kuwa Hadday kaga Tagaan Gadaashooda Caruur Tabar Yar una Cabsan lahaa hana ka Dhawrsadeen Ecbe hana Dheheen Hadal Toosan.
M.Abduh 4:9
10
Kuwa u Cunaya Xoolaha Agoonla Dulmi (Xaq darro) waxay uun ku Cunayaan Calooshooda Naar waxayna Gali Saciiro.
M.Abduh 4:10
11
Wuxuu idiin Dardaarmi Eebe Caruurtiinna kan Lab la mid Qaybta Labo Dhadig, Hadday Yihiin Hawween ka Sarreeya Labo waxay Mudun Labo Dalool wiixuu ka Tagay, hadday tahay mid waxay Mudan Nus, Labada Waalidna mid kastoo ka mid ah wuxuu Mudan Sudus (I.ix meelood meel) Hadduu ka Dhintay (Ilmahoodu) Caruur, hadduu Caruur lahayn oy Dhaxlayaan Labada Waalid Hooyadu waxay Mudan Saddex Meelood Mcel, Hadduu Walaalo leeyahay Hooyadu waxay Mudan Sudus Dardaaranka iyo Daynta ka Dib, Aabayaalkiina iyo Wiilashana ma Ogidin Kooda idinku Dhaw Nacfi, waa Faralyeel «Qaddaraad» Eebe, Ilahayna waa Oge Falsan.
M.Abduh 4:11
12
Waxaa idiin Sugnaaday Nus waxay ka Tagaan Haweenkiinu hadayna Ilmo lahayn, haddayse lahaayeen Ilmo waxaad leedihiin Rubuc (Afar meelood meel) waxay ka tagaan Dardaaran ay dardaarmeen iyo Dayn ka Dib, Haweenkuna waxay Mudan Rubuc waxaad ka Tagteen Haddaydaan Ilmo lahayn, haddaad Ilmo leedihiin waxay mudan thumun (Sideed Meelood meel) waxaad ka tagtaan, dardaaran aad dardaarmaysaan iyo Dayn ka Dib, hadduu yahay Ninku mid la Dhaxli Waalid iyo Ilmo la'aan ama Haweenaydu isagoo leh Walaal ama Walaashiis mid kasta wuxuu Mudan Sudus (Hadday la hooya yihiin) hadday yihiin wax ka badan intaas waxay wadaagi thuluth (Saddexmeelood meel) Dardaaran la dardaarmo iyo Dayn ka Dib, isagoon Dardaaranka Cidna lagu Dhibayn, waana Dardaaran Eebe, Ilaahayna waa Oge Dulsan.
M.Abduh 4:12
13
Taasi wa Xuduud Eebe, Ruuxii Adeeca Eebe iyo Rasuulkiisa wuxuu Galin Jannooyin ay Dareeri Dhexdeeda Wabiyaal iyagoo ku Waari Dhexdeeda, Taasina waa Liibaan weyn.
M.Abduh 4:13
14
Ruuxiise Caasiya Eebe iyo Rasuulkiisa oo Tallaaba Xuduudiisa wuxuu Galin Naar isagoo ku Waari Dhexdeeda, wuxuuna Mudan Cadaab wax Dulleeya.
M.Abduh 4:14
15
Kuwa la imaan Xumaan (Zino) oo Haweenkiina ka mid ah, Marag uga Dhiga Afar idinka mid ah, hadday ku marag Kacaan ku Haya Guryaha intay ka Disho Geeridu ama u yeelo Eebe Waddo.
M.Abduh 4:15
16
Labadii la Timaadda Xumaanta (Zinada) oo idinka mid ah Dhiba Hadayse Toobadkeenaan ooy Wanaagsanaadaan ka Jeedsada Xagooda, Eebana waa Toobad aqbale Naxariista.
M.Abduh 4:16
17
Toobadda (Aqbalkeeda) waxay Eebe uga ahaatay kuwa Fala Xumaha iyagoo Jaahil ah markaas Toobad keena Waqti dhaw Kuwaas wuu ka Toobad aqbala Eebe korkooda, Eebana waa Oge Falsan.
M.Abduh 4:17
18
Uma aha Toobaddu ku Fala Xumaha intuu uga Yimaaddo Midkood Geeridu markaas dhaha Anigu waxaan Toobad keeni hadda, iyo Kuwa Dhiman Iyagoo Gaala ah, Kuwaas waxaan u Darabnay Cadaab Daran.
M.Abduh 4:18
19
Kuwa (Xaqa) Rumeeyow idiinma Banaana inaad u Dhaxashaan Haweenka Xoog iyo inaad dhibtaan si aad ula tagtaan (Qaadataan) Qaar waxaad Siiseen inay la Yimaadaan Xumaan Cad Mooyee, kulana Noolaada si Fiican, haddaad Kahataan waxaa Suurowda inaad Kahataan wax uu Yeelo Eebe dhexdiisa Khayr Badan.
M.Abduh 4:19
20
Haddaad Doontaan inaad ku Baddashaan Haweenay mid kale idinkoo Siiyey Meher (Badan) ha ka Qaadanina Xaggiisa waxba, Ma waxaad Qaadanaysaan Been iyo Dambi Cad.
M.Abduh 4:20
21
Seed uga Qaadanaysaan idinkoo Qaarkiin Qaar Arkay, ood kana Qaaddeen Ballan Adag.
M.Abduh 4:21
22
Ha Guursanina waxay Guursadeen Aabayaashiin wixii hor maray mooyee, waa Xumaan iyo wax loo cadhoodo Waddana Iyadaa U xun.
M.Abduh 4:22
23
Waxaa laydinka Reebay Hooyooyinkiin (inaad Guursataan) iyo Gabdhihiinna, Walaalihiin, Eedooyinkiin, Habaryarihiin, Gabdhaha Walaalkaa, Gahdhaha walaashaa, Hooyooyinka idin Nuujiyey Walaalaha Nuugmada Hooyooyinka Haweenkiinna, Gabdhaad Dhaqaalaysaan., ee Haweenkiinna aad is aragteen Dhaleen, Haddaydaan is arkin wax dhib ah (Danbi) ma saara korkiinna, Haweenka Wiilashiinna Dhabta ah, iyo inaad kulmisaan Labo Walaalo ah wixii horay maray mooyee, Eebana waa u Dhaafe Naxariista.
M.Abduh 4:23
24
(Waxaa Kaloo idinka reeban) Haweenka la Qabo, waxay Hantaan Gacmihiinnu mooyee Kitaabka Eebaa korkiinna ah, waxaa laydiin banneeyey waxa ka Soohadhay kuwaas inaad ku dalablaan Xoolahiinna idinkoo dhawrsoon oon Xumaan (Zino) Falin, waxaad ku intifaacdaan Xaggooda Siiya Meherkooda waa Qadaraad Eebe, Dhib (Dambi) korkiinna ma Saarra waxaad isaga raalli Noqoteen Qadarrida ka Dib, Eebana waa Oge Falsan.
M.Abduh 4:24
25
Ruuxaan Karin oo idinka mid ah Awood uu ku Guursado Haweenka Dhawrsoon ee rumeysan (Xaqa) ha Guursado waxay hanatay Gacmihiin nu oo ah Gabdhaha Rumeysan (Xaqa) Eebana waa ogyahay limaanskiina, Qaarkiin Qaarbuu ka ahaaday, kuna guursada idamka Ehelkooda u Siiyana Ujuurada (Meherkooda) si Fiican, iyagoo Dhawrsoon oo Xumaan (Zino) ka Dheer, Saxiibana yeelanayn, Haddii lagu dhawro (Guur) ooy Xumaan la Yimaadaan korkooda waxaa ah Nus waxa ah kuwa Xorta ah oo Ciqaab ah, Arrintaas waa Ruuxii ka Cabsada Zino, oo idinka mid ah, Haddaadse Samirtaan ya idiin khayr roon, Eebana waa Dambi Dhaafe Naxariista.
M.Abduh 4:25
26
Wuxuu Dooni Eebe inuu idiin Caddeeyo Idinkuna Hanuuniyo Wadadii kuwii idinka Horreeyey oo idinka Toobad aqbalo Eebana waa Oge Falsan.
M.Abduh 4:26
27
Eebe wuxuu dooni inuu idinka Toobad aqbalo waxayse dooni kuwii Raacay waxa Naftoodu Jeceshahay inaad iilataan iilasho wayn.
M.Abduh 4:27
28
Wuxuu dooni Eebe inuu idinka Fudeyiyo, waxaase La Abuuray Dadka isagoo tabar Yar.
M.Abduh 4:28
29
Kuwa (Xaqa) Rumeeyow ha Cunina Xoolihiina dhexdiinna (Si Baadil ah) (Xaaraam ah) inay Ganacsi Raalli aad tihiin tahay mooyee, hana Dilina Naftinna, Eebe wuxuu idiinyahay Naxariistee.
M.Abduh 4:29
30
Cidii Fasha Arrintaas Colnimo iyo Dulmi Waxaannu galin Doonnaa Naar, Arrintaasna Eebe waa u Fududahay.
M.Abduh 4:30