1
(Waxaan ku dhaartay) malaa'igta safan.
2
Iyo tan kaxaysa daruuraha.
3
Iyo tan akhrida Quraanka.
4
Ee ilaahiin waa mid (qudha).
5
Waa Eebaha samooyinka iyo dhulka iyo waxa udhaxeeya, iyo Eebaha qorrax ka soo bixidda.
6
Annagaa ku qurxinay Samada dhaw quraxda xidiga ah.
7
Iyo ka dhowrid shaydaan kastoo madax adag.
8
Mana dhagaystaan jameecada sare, (Malaa'igta) waxaana laga soo tuuraa dhan kasta.
9
Iyagoo la cryi oo cadaab joogta ah usugnaaday.
10
Marka laga reebo mid mid dafa hadalka oo uu raaco danab ifi.
11
Waydii gaalada ma iyagaa ku daran abuuridda mise waxaan abuuray, annagaa ka abuurray dhoobo dhagta.
12
Waxaadse la yaabtay (beenintooda) iyaguna way jees jeesi.
13
Marka la waaniyana ma waantooban.
14
Hadday calaamo arkaana way ku jees jeesaan.
15
Waxayna dhahaan kani waxaan sixir cad ahayn ma aha.
16
Waxayna dhahaan ma markaan dhimanno oon carro noqono iyo lafo yaa nala soo bixin.
17
Ama aabayaalkannagii hore (iyagana malasoocelin).
18
Waxaad dhahdaa haa waalaydin soo celin idinkoo waliba dullaysan.
19
Xaaladduna waa uun qaylo kaliya markaas, waxaa soo bixi dadkii oo wax eegi.
20
Waxayna dhihi gaaladii halaagganaggee kan waa maalintii abaalmarinta.
21
Waxaana lagu dhihi kani waa maalintii kala bixinta ee aad beeninjirteen.
22
Kulmiya kuwii daalimiinta ahaa iyo wixii la mid ahaa iyo waxay caabudijireen.
23
Oo Eebe ka soo hadhay, tusiyana jidka Jaxiimo.
24
Joojiyana waxbaa la waydiine.
25
(Waxaana lagu dhihi) Maxaad leedihiin oydaan isugu gargaaraynin.
26
Saas ma aha ee maanta way isdhiibeen.
27
Wuxuu qaabilay qaarkood qaarko kale iyago wax iswarsan.
28
Waxayna dhaheen kuwii waxraacay (raaciyadii) waxaa ahaydeen kuwo nooga yimaadda xaga midig (wanaaga).
29
Waxay dhaheen madaxdii ma aha ee idinkaan mu'miniin ahayn.
30
Wax xoog ah oon idin ku lahayn ma jirin waxaadse ahaydeen qoom xad gudbey.
Sonraki 30 ayet →