1
(Waxay ku tusin mucjisada Quraanka).
2
Quraanka xigmada leh yaan ku dhaartaye.
3
Nabiyoow waxaad ka mid tahay kuwa la diray (Rasuulada).
4
Jid toosanna waad ku sugan tahay.
5
Quraankuna waa soo dajinta Eebaha adkaada ee naxariista,
6
inaad ugu digto qoom aan loo digin Aabayaalkood oo halmaansan.
7
Dhab ahaanna waxaa ugu waajibay badankoodo (ciqaab) mana rumeeyaan xaqa.
8
Annagaa yeelay cunahooda Bir waxayna qaban tan iyo gadhka Madaxayna kor u taagi (dhibaato darteed).
9
Waxaana yeelay hortooda jidaar gadaashoodana jidaar waana indha tiray waxna ma arkaan.
10
waxaa isku mid ah hadaad u digto iyo hadaadan udigin (marna) ma rumeeyaan.
11
Waxaad un u digi (ooy anfici digidu) Ruxii raaca Quraanka oo Eebe ka yaaba isagoon arkayn, uguna bishaaree dambi dhaaf iyo ajiir wanaagsan.
12
Annaagaa nooleyna wixii dhintay, waana qornaa waxay hor marsadeen iyo raaadkoodiiba, wax walbana waxaan ku koobnay Kitaab muuqda.
13
Uga yeel tusaale asaxaabtii magaaladii markay uyimaadeen Rasuulladii (loo soo diray).
14
Markaan u diray xagooda labo, ooy beeniyeen, markaas aan ku xoojinay mid saddexaad, oy dhaheen idinkaa naloo kiin soo diray.
15
Waxayna dhaheen (gaaladii) idinku ma tihidiin waxaan bashar (dad) nala mid ah ahayn, Eebaha Raxamaan ahna waxba ma soo dajinin, idinkuna waxaan been ahayn masheegaysaan.
16
waxay dhaheen (Rasuuladii) Eebahannaa og in naloo kiin soodiray.
17
Korkannagana ma aha waxaan gaadhsiin cad ahayn.
18
Waxay dhaheen (gaaladii) waan idin baasaysannay, haddaydaan joogin waan idin dhagaxyeynaynaa, waxaana xagganaga idinka taahan cadaab daran.
19
Waxay dhaheen Rasuulladii baaskiinu wuu idinla joogi, haddii laydin waaniyo (Miyubaasku idinlajiri) waxaadse tihiin qoon xadgudbay,
20
Waxaa ka yimid Magaalada dhankeeda fog nin dagdagi (ordi) wuxuuna ku yidhi qoomkayow raaca rasuullada.
21
Raaca cid aan idin warsanayn ujuuro, oo hanuunsan.
22
Maxaana u caabudaynin Eebihii i abuuray xagiisana laydiin celin.
23
Miyaan ka yeelan wax ka soo hadhay ilaahyo hadduu Eebaha Raxmaan ah dhib ila doono ayan wax iitareyn shafeecadoodu waxba, ayana i korinayn.
24
Markaas waxaan ku sugnaan baadi muuqata (cad).
25
Anigu waxaan rumeyay Eebehiin ee maqla.
26
Waxaa lagu yidhi gal jannada wuxuuna yidhi shallaytadaydee qoomkaygii muu ogaado.
27
Waxa Eebe iigu dambi dhaafay iigana yeelay kuwo la karaameeyey.
28
Kuma aanaan dajinin qoomkiisii gadaashiis Januud samad ka timid, mana aanaan ku soo dajinin.
29
Waxaan qaylo Kaliya ahayna laguma halaagin oo markaas ay bakhtiyeen (halaagsameen).
30
Nidaamo (Qoomamo) yaa u sugmaatay addomada Rasuulkii u yimaadaba waxay ahaadaan kuwo ku jees jeesa.
Sonraki 30 ayet →