Ana SayfaMealler › M.Abduh
MA

M.Abduh

M.Abduh
M.Abduh meali ile okumaya başla
Bakara 1 / 286
1
Aad baa Macnaheeda looga hadlay, waxaana la sheegay inay magaca suuradda tahay, ama ay ku tusin Muejisadda Quraanka, Eebe unbaa waa la dhahaa.
M.Abduh 2:1
2
Kitaabkaas (Quraanka) shaki kuma jiro Hanuunbaana ugu sugan kuwa dhawrsada.
M.Abduh 2:2
3
ee ah kuwa rumeeya waxan la arkayn (ee xaq ah) oogana Salaadda, waxaan ku arzaaqnayna wax ka bixiya.
M.Abduh 2:3
4
ee ah kuwa rumeeya waxa lagugu dajiyey Nabiyow, iyo wixii la dajiyey horay, Aakhirana yaqiinin.
M.Abduh 2:4
5
kuwaasi hanuun Eebe yey ku suganyihiin, kuwaasina waa uun kuwa liibaanay.
M.Abduh 2:5
6
kuwii Gaaloobay waxaa isugumid ah udigtayaa iyo umaadan diginaa mana rumeeyaan (xaqa).
M.Abduh 2:6
7
Lebaa daabacay Quluubtooda iyo Maqalkooda. aragoodana wuxuu yeeley Dabool waxaana u sugnaaday Cadaab weyn.
M.Abduh 2:7
8
Dadka waxaa ka mid ah kuwo dhihi waxaan rumeynay Eebe iyo maalintii dambaysay (Qiyaamada) haddana aan Mu'miniin ahyn.
M.Abduh 2:8
9
waxay khiyaameyn Eebe iyo kuwa (Xaqa) rumeeyey naftooda ahayn mase kasayaan.
M.Abduh 2:9
10
Quluubtay ka bukaan markaasaa Eebe u siyaadiyay Cuduro waxayna mudan Cadaab daran Beentoodii Darteed.
M.Abduh 2:10
11
marka lagu dhoho ha fasaadinina dhulka waxay dhahaan annagu waxaan uun nahay Hagaajiyayaal.
M.Abduh 2:11
12
iyaga unbaa fasaadiyayaal ah hasa yeeshee ma kasayaan.
M.Abduh 2:12
13
marka lagu dhaho rumeeya sida Dadku u rumeeyey waxay dhihi mawaxaannu u rumayn sida sufahada (Caqli gaabka), waxaase sufaha ah iyaga uun laakiin ma oga.
M.Abduh 2:13
14
markay la kulmaan kuwa ru-meeyey (Xaqa) waxay dhihi waan rumaynay, markay la kaliyoobaan shaydaamiidana waxay dhahaan annagu waan idinla Jirraa, ee waxaan ahayn uun kuwa ku jees jeesa (Mu'miniinta).
M.Abduh 2:14
15
Eebaa ja abaal marin Jees jeeska, wuxuuna u siyaadin kibirkooda iyo Baadidooda, iyagoo ku dhexwareeri.
M.Abduh 2:15
16
kuwaase waxay ku gateen haadida hanuunka, mana ribxin (faa'iidin) ganacsigoodu mana hanuunsana.
M.Abduh 2:16
17
waxay la mid yihiin mid huriyey Dab, markuu iftiimiyay gaararkoodana yaa Eche la tagay Nuurkoodii ugagana tadax arkayn.
M.Abduh 2:17
18
waa Dhaga la'aan, Hadala'aan, aragla'aan, xaqana uma soo noqdaan.
M.Abduh 2:18
19
wuxuu la midyahay xaalkoodu sidii Roob Samada ka soo degay oo Mugdiyo onkod iyo Hillaac leh, oy yeelayaan Farahooda Dhagahooda hanqadhka (Danabka) xaggiisa geeri ka digtooni darteed, Eebana waa koobay Gaalo.
M.Abduh 2:19
20
wuxuu u dhawyahay hillaacu (xaqu) inuu dafo aragooda, markastoos u Ifo way ku socdaan, markuu ku mugdiyoobana way istaagaan, hadduu Eebe doonana wuxuu la tagaa Maqalkooda iyo Aragooda Eebana wax walba waa karaa (oos doonoo).
M.Abduh 2:20
21
Dadow caabuda Echihiinna idin abuuray idinka iyo kuwii idinka horrecyey, waxaadna mudataan inaad dhowrsataan.
M.Abduh 2:21
22
Eebaha Dhulka idiin ka yeelay Gogol, Samadana dhismo, idiinkanasoo dajiyey Samada Biyo, kuna soo bixiyey Midho si laydiinku arzuqo ee hayeelina Eebe kuwa la mid ah idiinkoo og.
M.Abduh 2:22
23
haddaad shakisantihiin waxaan ku dejinay addoonkanaga (Nabiga) keena Suurad la mid ah, una yeedha markhaatiyadin (kaalmeeyayaashiinna) ee Eebe ka soo hadhay haddaad runlowtihiin.
M.Abduh 2:23
24
haddaydaan falin mana falaysaane ka dhawrsada Naar lagu shido Dadka iyo Dhagaxa, loona darbay gaalada.
M.Abduh 2:24
25
ugu bishaaree kuwa rumeeyey (xaqa) Camal fiicanna falay inay mudan Janooyin ay socoto dhexdeeda Wabiyaalkii, markastoo laga arxaaqo xaggeeda midho waxay dhahaan kani waa kii horay naloogu arzuqay, waxaa la siiyey isagoo isu eg (araga) waxayna dhexdeeda ku leeyihiin Haween (Janno) oo nadiif ah, dhexdeedana way ku waari.
M.Abduh 2:25
26
Eebe kama xishoodo (reebtoonaado) inuu tusaale u yeelo kaneeco iyo waxkasareeyaba, kuwa (xaqa) ru-meeyeyse waxay ogyihiin inuu xaqyahay (Quraanku) kana yimid xagga Eebahood kuwa gaaloobayse waxay dhihi muxuu Eebe ula jeedaatusaalahan, wuxuu ku dhumin Eebe in badan wuxuuna ku hanuunin in badan waxaan faasiqiin ahayna kuma dhumiyo.
M.Abduh 2:26
27
ee ah kuwa buriya ballanka Eebe intay adkeeyeen ka dib, oo gooya wuxuu faray Eebe in la xidhiidhiyo oo fasaadiya Dhulka kuwaasu waa kuwa khasaaray.
M.Abduh 2:27
28
seed uga gaaloobaysaan Eebe idinkoo ahaa waxaan noolayn, markaas Eebe idin soo noolayn ka dibna xaggiisa laydiin eelin.
M.Abduh 2:28
29
Eebe waa kan idiin abuuray waxa dhulka ku sugan dhamaan, markaas Samada ahaysiiyey kana dhigay Todobo Samo, Eebe wax walbana waa ogyahay.
M.Abduh 2:29
30
xus markuu ku yidhi Eebahaa Malaa'igta waxaan yeeli Dhulka cid u hadha, oyna dheheen ma waxaad yeeli dhexdeeda cid fasaadisa oo kudaadisa dhiig annagoo ku wayneynayna markaasuu yidhi anigu waxaan ogahay waxaydaan ogayn.
M.Abduh 2:30