Ana SayfaMealler › M.Abduh
MA

M.Abduh

M.Abduh
M.Abduh meali ile okumaya başla
Hicr 1 / 99
1
Xarfaha hore waa la soo sheegay Macnahooda, Kuwana waa Aayadaha Kitaabka iyo Quraanka cad.
M.Abduh 15:1
2
Wax badanbay tamanin (Jeclaan) kuwii Gaaloobay (Aakhiro) inay Muslimiin ahaadaan (adduunkii).
M.Abduh 15:2
3
ka tag ha cuneen hana raaxasyteene Hana Shuqliso yididiilo way ogaan doonaane,
M.Abduh 15:3
4
Magaalo la halaago oo kasta waxaa u sugnaaday Wakhti la yaqaanno.
M.Abduh 15:4
5
Kamana hor marto umadi Ajasheeda (wakhtigeeda) Kamana dib marto.
M.Abduh 15:5
6
Waxay dhaheen kan Quraanka lagu soo dejiyayow Adugu waad waalantahay.
M.Abduh 15:6
7
Maad malaa'ig noo keentid haddaad run Sheegi.
M.Abduh 15:7
8
Umana soo Dehinno Malaa'igta xaq mooyee lamana sugeen Gaalada (markaas).
M.Abduh 15:8
9
Annagaa soo dejinnay Quraanka annagaana Dhawri.
M.Abduh 15:9
10
waxaan u dirray hortaa (rasuullo) Ummadihii hore.
M.Abduh 15:10
11
Rasuul kasta oo u yimaaddana waxay ahaayeen kuwo ku jeesjeesa.
M.Abduh 15:11
12
saasaana u galinaa (Gaalnimada) quluubta dambiilayaasha.
M.Abduh 15:12
13
mana rumeeyaan Quraanka waxaana tegay (hor maray) sumaddii «Jidkii» kuwii horreeyey.
M.Abduh 15:13
14
haddaan uga furro korkooda irrid samada ooy ahaadaan kuwo kora
M.Abduh 15:14
15
waxay odhan lahaayeen waxaan uun la awday (La tiray) aragyadannadii, waxaabanse nahay qoom la sixray.
M.Abduh 15:15
16
waxaan yeellay samada buruuj (Meelo) waxaan u qurxinnay kuwa dayi (eegi).
M.Abduh 15:16
17
waxaana ka dhawray shaydaan la tuuray «fogeeyey» dhammaantiis.
M.Abduh 15:17
18
mid dafa maqalka oo danab cad raaco mooyee.
M.Abduh 15:18
19
dhulkana waan fidinay waxaana ku ridnay «sugnay» dhexdeeda Buuro, waxaana ka soo bixinay wax kasta oo Miisaaman.
M.Abduh 15:19
20
waxaana idiinka yeellay dhexdiisa nolol iyo waxaydaan arzaaqi karin.
M.Abduh 15:20
21
waxaan agtanada khasnadihiisu «kaydkiisu» ahayn ma jiro, umana soo dejinno qaddar la ogyahay mooyee.
M.Abduh 15:21
22
waxaana dirnaa dabaysha oo Tallaasha (Daruurta) waxaana ka soo dajina samada Biyo aan idinku waraabinno idinkoo ahayn kuwo ka keydsan kara (gudhidda).
M.Abduh 15:22
23
annagaa wax looleeyna waxna dilla, anagaana wax dhaxalla uun (u hadha).
M.Abduh 15:23
24
waxaana ognahay kuwiinna hor maray waxaana ognahay kuwiina dib maray.
M.Abduh 15:24
25
Eebahaana isagaa soo kulmin dadka waana falsame oge ah.
M.Abduh 15:25
26
annagaana ka abuuray dadka dhoobo doorsoon.
M.Abduh 15:26
27
Jaankana (Jinniga) waxaan ka abuuray mar hore Naar samuum leh (Kulayl).
M.Abduh 15:27
28
Xusuuso markuu ku yidhi Eebahaa malaa'igta Anugu waxaan ka abuuri Dad dhoobo doorsoon.
M.Abduh 15:28
29
Ee markaan ekeeyo kuna afuufo dhexdiisa Ruuxdayda ugu dhaca Sujuud.
M.Abduh 15:29
30
wayna Sujuudeen malaa'igtii dhammaan oo Kulansan.
M.Abduh 15:30