1
xarfaha hore oo kale waa la soo sheegay macnahooda, kanna waa Kitaab aannu kugu soo dejinnay inaad kaga bixisid dadka mugdiyada xagga Nuur idamka Eebehood iyo jidka Eebaha adkaada ee la Mahadiyo.
2
Ilaaha iska leh waxa Somooyinka iyo Dhulka ku sugan, halaagna waxaa mudan Gaalada cadaab daran xaggiis.
3
oo ah kuwa ka jecel nolosha adduun Aakhiro oo ka leexiya (Dadka) Jidka Eebe lana dooni Qallooc, kuwaasuna waxay ku suganyihiin Baadi fog.
4
Rasuul kuma dirro waxaan Afka Qoomkiisa ahayn si uu ugu caddeeyo, wuuna baadiyeeyaa Eebe cidduu doono inta xaqa loo caddeeyey ka dib, wuuna hanuunin cidduu doono, waana adkaade falsan.
5
waxaan la dirray (Nabi) Muuse Aayaadkannaga bixi Qookaaga Mugdiyada xagga Nuurka, kuna waani «xusuusi» Nicmooyinkii Ilaahay arrintaasna Aayaadbaa (Calaamooyin) ugu sugan samir badane, shugri badan dhammaantiis.
6
iyo markuu Nabi Muuse ku yidhi Qoomkiisa xusuusta Nicmada Eebe korkiinna markuu idinka koriyey Colkii Fircoon iyagoo idin dhadhansiin cadaab (Daran) Xun oo gawrici Wilashiinna oo dayn Gabdhihiinna (Dullaysi) arrintaasna waxaa ku sugnayd Balayo (Intixaam) Eebihiin oo wayn.
7
iyo markuu Eebihiin ogaysiiyey haddaad shugridaan waan idiin kordhin, haddaad gaalowdaanna cadaabkaygu waa daranyahay.
8
wuxuuna yidhi (Nabi) Muuse haddaad Gaalowdaan idinka iyo waxa ku sugan Dhulka dhammaan Eebe waa Hodan mahadsan.
9
miyuuna idin soo gaadhin warkii kuwii idinka horreeyey (oo ah) Qoomkii Nabi Nuux, Caad, Thamuud, iyo kuwii ka dambeeyey, ma oga (Tiradooda) Eebe mooyee, waxayna ula yimaadeen Rasuuladoodii xujooyin waxayna ku celiyeen Gacmahooda Afkooda (Way beeniyeen) waxayna dhaheen anagu waan ka gaalownay waxa laydinku soo diray annguna shakibaan kaga sugannahay waxaad noogu yeedhaysaan xaggiisa oo daran.
10
waxay dheheen Rasuuladoodii ma Eebaa shaki ku jiraa ee abuuray Samooyinka iyo Dhulka idiinkuna yeedhi inuu idinka dhaafo dambiyadiinna dibna idiin dhigo tan iyo muddo magacaaban, waxayna dheheen idinku ma tihiin waxaan bashar (Dad) nala mida ahayn, waxaadna doonaysaan inaad naga leexisaan waxay caabudi jireen Aabbayaalkanno noo keena xujo cad.
11
Rasuulladii waxay dheheen annagu ma nihin waxaan dad idin la mida ahayn, Eebaase ku mannaysta (khayr) cidduu doono oo addoomadiisa ka mida, xujana idiinma keeni karro idinka Eebe mooyee, Eebe uunna ha tala saarteen Mu'miniintu.
12
maxaanaan u talo saaranayn Eebe isagoo nagu hanuuniyey Jidkannaga, waana ku samraynaa waxaad nagu dhibaysaan Eebe uun ha talo saarteen kuwa talosaaran (Cid).
13
waxay ku dheheen kuwii gaaloobay Rasuulladoodii waxayna ku soo noqonaysaan (soo galaysaan) diintannda, wuxuuna u waxyooday Eebahood inuu halaago daalimiinta.
14
dajinna idinka dhulka kuwaas ka dib, arrintaasna waxaa heli ciddii ka cabsata la kulankayga oo ka cabsata gooddigayga.
15
wayna gargaar dalbeen waxaana khasaaray kibir badane madax adag dhammaantiis (xaq diid)
16
waxaana ka horraysa jahannamo waxaana laga waraabin Biyo carow ah (Dhaacaanka Ehelu Naarka).
17
wuuna ku margan mana ka degayo wuuna uga imaan Mawdku (Geeridu) meel kasta, mana dhimanayo, gadaashiisna waxaa ah cadaab adag.
18
kuwa ka gaaloobay Eebahood wuxuu la midyahay camlakoodu dambas ku darraatay «ku dhacday» dabayli maalin dabayl dhabasho daran, kama karaan (helaan) waxay Kasbadeen waxba, kaasina waa baadida fog uun.
19
miyeydaan arkayn in Eebe u abuuray Samooyinka iyo dhulka xaq, hadduu doonana idin tagsiin karo lana imaan karo khalqi cusub.
20
arrintaasina Eebe kuma adka.
21
waxayna dadku u soo bixi Eebe markaasay ku dhihi kuwii «raaciyadda» ahaa kuwii madaxda ahaa anagu idinkaan idin raacaynay ee wax ma nooga taraysaan cadaabka Eebe, waxayna dhahaan hadduu Eebe na hanuuniyo waan idin hanuunin lahayn, waa isugu mid korkeenna haddaan argagaxno ama samirnno (adkaysanno) ma helayno fakasho.
22
wuxuuna dhahaa shaydaankii marka amarka la xukumo, Eebe wuxuu idiin yaboohay yabooh xaq ah anna waan idiin yaboohay waana idinku beeniyey, wax xujo ahna idinkuma lahayn oon ahayn inaan idiin yeedhay ood i maqasheen ee hay dagaalina ee dagaala naftiinna anuguna idiinma gargaari karo idinna iima gargaari kartaan, anugu waan diiday waxaa ila wadaajiseen horay daalimiintuna waxay mudan cadaab daran.
23
waxaana la gelin kuwii rumeeyey xaqa oo camal fiican falay Jannooyin ay socoto dhexdeeda wabiyadii iyagoo ku dhex waari idanka Eebe dartiis soo dhawayskooduna dhexdeeda waa salaan.
24
ma ogtahay sida Eebe ugu yeelay Tusaale kalimada (Erayga) Fiican sida Geed wanaagsan oo laamaheediina samada (kor jiraan).
25
oo siisa (Bixisa) Cunnadeeda Waqti kasta idanka Eebaheed dartiis, wuuna u yeelada Eebe tusaayaal Dadka inay waantoomaan.
26
Kalimada (Erayga) xunna (Gaalnimada iyo xumaanta) waxay la mid tahay geed xun lagana rujiyey dhulka korkiisa oon sugnaan lahayn.
27
wuxuu ku sugaa Eebe kuwa rumeeyey xaqa Erayga sugan (ashaadada iyo xaqa) Nolosha adduun iyo Aakhiraba wuxuuna falaa Eebe wuxuu doono.
28
ma ogtahay kuwa ku badelay Nicmaddii Eebe Gaalnimo, Dejiyeyna qoomkoodii guri halaag.
29
Jahannamayna gali meel lagu sugnaadana iyadaa u xun (Jahannamo).
30
waxayna u yeeleen Eebe shariig inay ka dhumiyaan jidkiisa, waxaad dhahdaa raaxaysta ahaanshihiinnu waa Naare.
Sonraki 22 ayet →