Ana SayfaMealler › M.Abduh
MA

M.Abduh

M.Abduh
M.Abduh meali ile okumaya başla
Yunus 1 / 109
1
Kalimada hore waxay ku tusin Mucjisada Quraanka, Taasin waa Aayaadka Kitaabka falkasan.
M.Abduh 10:1
2
Dadka ma waxaa la yaab ku Noqotay inaan u waxyoon Nin ka mida u Dig Dadka, uguna Bishaaree kuwa Rumeeyey inay ku leeyihiin Camal fiican Eebahood agtiisa, waxay Dheheen Gaaladiina kani waa Sixirrow Cad.
M.Abduh 10:2
3
Eebihiin waa kan ku Abuuray Samooyinka iyo Dhulka Lix Maalmood markaas ku istiwooday Carshiga Isagaana maamula Amarka wax Shafeecina Idinkiisa la'aantiisa ma jiro, Kaasi waa Eebihiinna idin Barbaariya ee Caabuda, Miyeydaan wax Xusuusanayn.
M.Abduh 10:3
4
Xaggiisaa laydiin Celin Dhammaan Yabooha Eebena waa Xaq, Eebaa Billaaba Abuurka Haddana soo Celin inuu ku Abaal mariyo kuwa Rumeeyey (Xaqa) oo falay Camal Fiican, si Caddaalada, kuwa Gaaloobayna waxaa u Sugnaaday Cabbid kulul iyo Cadaab Daran Gaalnimadoodai Darteed.
M.Abduh 10:4
5
Eebe waa kan ka yeelay Qorraxda Ifid Dayaxana Nuur una Qaddaray Meelo ay Socdaan, inaad Ogaataan Tirada Sanooyinka iyo Xisaabta wuxuu u Ahuuray Eebe Arrintaas Xaq Wuxuuna u Caddayn Aayaadka Ciddii wax Og.
M.Abduh 10:5
6
Ishadalka Habeenka iyo Maalinta iyo Abuurka Eebe ee Samooyinka iyo Dhulka aayadbaa ugu sugan Ciddii Dhawrsan.
M.Abduh 10:6
7
Kuwaan Rajaynayn la Kulankanaga kuna Raalli Noqday Nolosha Dhaw kuna Xasilay iyo kuwa Halmaansan Aayaadkannaga.
M.Abduh 10:7
8
Kuwaas Hooygoodu waa Naar waxay Kasbanayeen Darteed.
M.Abduh 10:8
9
Kuwa Rumeeyey Xaqa oo falay Camal wanaagsan wuxuu ku Hanuunin Eebahood Iimaankooda waxaana socon Dhexdooda Wabiyadii Jannooyinka Naciimo Dhexdeeda iyagoo ku Sugan.
M.Abduh 10:9
10
Yeedhidooduna dhexdeeda waa Eebow waad Nasahantahay, Bariidadooduna waa (Nabadgalyo) Salaan, Ducadooduna waxaa ugu Dambayn Mahad Ilaahbaa leh Eebaha Caalamka ah.
M.Abduh 10:10
11
Haddu Eebe u Dedejiyo Dadka Xumaanta siday khayrka u Dedejistaan waxaa loo Dhamayn lahaa Ajashooda, Waanuse ku Dayn Kuwaan Rajaynayn la kulank nanaga Fasaadkooda iyagoo ku Wareersan.
M.Abduh 10:11
12
Markuu Taabto Dadka dhib wuu Na baryayaa isagoo Jiifa, ama Fadhiya ama Taagan, markaan ka faydno Dhibkana wuu iska Socdaa sidii isagoon Nabaryinba Dhibkii Taabtay, Saasaa loogu Qorxiyey Xadgudbayaasha waxay Falayeen.
M.Abduh 10:12
13
Waxaan Halaagnay Quruumo idinka horreeyey markay Dulmi faleen, waxayna ula Timid Rasuuladoodii Xujooyin, mana ay an Rumeynayn, Saasaana ku abaal marinaa Qoomka Dambiilayaasha ah.
M.Abduh 10:13
14
Markaasaan idinka yeelay kuwo u hadha Dhulka Gadaashood inaan Eegno sidaad Fashaan.
M.Abduh 10:14
15
Marka lagu Akhriyo Korkooda Aayaadkanaga oo Cad Cad waxay Dhahaan kuwaan Rajaynayn la kulankanaga noo keen Quraan aan kan ahayn ama badal, waxaad dhahdaa igama suurowdo inaan ka baddalo agtayda, waxaan nun Raaci waxa lay waxyoodo, waxaan ka cabsan Haddaao Eebe Caasiyo Cadaab Maalin wayn.
M.Abduh 10:15
16
Waxaad Dhahdaa Hadduu doono Eebe idnikiima Akhriycen idinmana Ogaysiiyeen isaga, waxaan ku Nagaaday Dhexdiinna ka hor Cimri ee Meyeydaan wax kasayn.
M.Abduh 10:16
17
Yaa ka Dulmi Badan Cid ku Been Abuuratay Eebe ama Beeniyey Aayaadkiisa, Illeen ma Lubaano Dambiilayaal.
M.Abduh 10:17
18
Waxay Caabudayaan Eebe ka sokow waxaan Dhibayn Anfaceyna waxayna Odhan kuwana waa Shafeecayaalkanaga Eebe Agtiisa, waxaad Dhahdaa ma waxaad uga warramaysaan Eebe wuxuusan ku Ogayn Samooyinja iyo Dhulka, wuxuu ka Nasahanyahay oo ka Sarreeyaa waxay la Wadaajiyeen Eebe.
M.Abduh 10:18
19
Dadka wuxuu ahaa Ummad Kaliya Markaasay Iskhilaafeen, haddayan Jirin Kalimad Eebahaa u horraysay waa la kala Xukmin lahaa Dexdooda waxay isku diidanyihiin.
M.Abduh 10:19
20
Waxay Odhan Gaaladu maa lagaga soo Dejiyo Xagga Eebahaa Aayad, waxaad dhahdaa waxa Maqan Eebe umbaa iska leh, ee Suga Anuguna waan idinka Sugiye.
M.Abduh 10:20
21
Markaan Dhadhansiinno Dadka Naxariis Dhibaato ka dib Taabatay waxaa soo Baxa iyagoo dhagri Aayaadkanaga, waxaa Deg-Deg badan Ciqaabta Eebe Malaa'igtanaduna way Qori waxaad Dhagraysaan.
M.Abduh 10:21
22
Eebe waa Kan Idinku Wada Barriga iyo Baddaba markay ahaadaan Doonta oo ay ku socdaan Dabayl Fiican oo ay Markaas ku Farxaan oy u Timaaddo Dabayl Daran ugana yimaaddo hirku Dhan kasta oy una Maleeyaan in la koobay (la Halaagay) waxay Baryaan Eebe iyagoo u kaliyeeli Diinta Iyagoo (Dhihi) Haddaad naga koriso tan waannu kugu Mahdin.
M.Abduh 10:22
23
Markuu koriyeyna Markaas ku xad gudbaan Dhulka Xaq Darro Dadoow waxaad uun ku Xad Gudbaysaan Naftinna, waa uun Nolosha Dhaw Markaas Xagganagaa laydiin soo Celin waxaana idiinka warramaynaa waxaad Camal Falayseen.
M.Abduh 10:23
24
Nolosha Adduunyo waa uun Biyo oo kale oon ka soo Dejinay Samada oo ku Dheehnay waxa ka so baxa Dhulka oo ah wuxuu Dadku Cuno iyo Xooluhu markuu dhulku Qurux ka Buuxsamo oy isqurxhiso oo Dadkeedu u Maleeyo inay Karaan (Goosashadeeda) yaa waxaa u Yimaadda Amarkannagii Habeen ama Dharaar waxaana ka yeelaa wax la Shafay sidii iyadoon Shalay Jirin, Saasaana ugu Caddaynay Aayaadka Qoomkii Firkiri.
M.Abduh 10:24
25
Eebe wuxuu ugu yeedhi (Dadka) Guriga Nabadgalyada (Jannada) wuxuuna ku Hanuuniyaa Cidduu Doono Jid Toosan (Xaqa).
M.Abduh 10:25
26
Kuwa Wanaagga Falayna waxaa u Sugnaaday Wanaag (Janno) (Aakhiro) iyo Siyaado (Aragga Eebe) mana haleelo Wajigooda Boodh iyo Dulli midna kuwaasuna waa Asaxaabta (Ehelka) Jannada wayna ku waari Dhexdeeda.
M.Abduh 10:26
27
kuwa kasbaday xumaan Abaalkood waa Xumaan la mida, waxaana haleeli dulli wax Eebe ka ilaalinna ma jiro, waxaadna moodaa in lagu daboolay wajigooda goosin habeen oo mugdi ah, kuwaasu waa Asaxaabta (Ehelka) Naarta wayna ku waari dhexdeeda,
M.Abduh 10:27
28
ka warran maalintaan kulminaynno Dhammaan markaas aan ku dhahaynno kuwii la wadaajiyey (Gaaloobay) Meejiinna ahaada idinka iyo kuwaad la wadaajiseen markaasaan kala gaynay dhexdooda, waxayna dheheen kuway la wadaajiyeen (Eebe) an naga nama aydaan Caabudayn.
M.Abduh 10:28
29
waxaa markhaati dhexdeenna ugu filan Eebe inaan Cibaadadiinna Moogayn.
M.Abduh 10:29
30
halkaasaa lagu imtixaami naf kasta waxay hor marsatay, waxanna loo eeliyaa Ilaaha Sayidkooda xaqa ah waxaana ka dhumay wa.xay been abuuranayeen.
M.Abduh 10:30